Gaza – Khalil Al-Hayya “Hubkeena wadahadal kuma jiro”

Gaza – Ururka falastiiniyiinta ee Xamas ee maamula magaalada Gaza, ayaa diiday in ay hubka dhigaan taasoo qeyb ka mid ah wadahadalada dib u heshiisiinta Qaran ee dhowaan ay la galeen dhaqdhaqaaqa Fatah, iyaga oo sheegay in hubkoodu uusan wadahadal ku jirin.

Hogaamiyaha sare ee Xamas Khalil Al-Hayya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaza ayaa sheegay ilaa uu ka dhammaanayo khatarta iska caabbinta howlgalka Israel, in kooxdu xaq u leedahay inay hubkooda iskaga difaacaan cadawga gumaystaha ah.

Al-Hayya ayaa walaac ka muujiyay hadal dhowaan ka soo yeeray saraakiisha sare ee Fatah, balse waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Xamas “Sii wadi doonto wadahadalada dib-u-heshiisiinta si loo soo afjaro kala qaybsanaanta Falastiiniyiinta”, inkastoo ay jirto caqabado badan oo ay abuurtay kooxda Fatah.

Masuulka ugu sareeya Xamas Khalil Al-Hayya ayaa ku booriyay maamulka Falastiiniyiinta inay joojiso cunaqabateynta saaran Gaza Strip, waxa uuna ugu baaqday xukuumadda in ay xalliso arinta mushaharka shaqaalaha.

Xamaas iyo Fatah ayaa caasimadda Masar ee Qaahira, bishii Oktoobar ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah si loo dhameeyo khilaafka labada dhinac oo soo jiitamayay tobaneeyo sano.