Hot Topics

Dalalka Seychelles iyo Somalia oo heshiis wada gaaray (Akhriso+Sawirro)

Seychelles – Madaxweynaha Jasiiradda Seychelles Mr. Danny Faure ayaa Qasriga ayaa madaxtooyada ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar, iyagoona ka wada hadlay arimo dhowra.

Danny iyo Garaad ayaa si qoto dheer uga hadlay qodobo ay ugu muhiimsanayd soo celinta maxaabiista Somalida ah ee ku xiran xabsiyada Seychelles, kuwaas oo inta xukumani ay wakhtigooda ku idlaysan doonan gudaha dalkooda hooyo.

Labada masuul ayaa isku raacay inay muhiim tahay xoojinta iskaashiga amniga badda Indean Ocean oo ka dhaxaysa labada dal iyo marinada biyaha ee ganacsiga aduunku isaga goosho, lagana hortago falalka bucad-badeednimada.
Madaxwayne Danny iyo wasiir Garaad ayaa cadeeyay in iska kaashan doonan dhinacyo kala duwan sida Ganacsiga, Dalxiiska, iyo in Khibradda Seychelles ee xagga badaha loo gudbiyo Somalia, iyadoona dhamaan qodobadaas waa laysku afgartay.

adaxweynaha Seychelles Danny waxa uu bogaadiyay horumarka dhinac kasta ah ee Xukuumadda Federaalka Somalia gaartay waxa uuna sheegay in Seychelles markasta garab taagan tahay Somali-da.