Hot Topics

Sawiro:- Xarunta Turkigu ku Tababarayo Ciidamada Soomaaliya

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, Halkaas uu ka socdo tababar la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.
 
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababarka bixineyso, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo.
 
 
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiil Soomaali oo ka mid ah Macalimiinta bixineysa Tababarka, waxayna warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka Siiyeen sida tababarka u socdo, Guddoomiyaha wuxuu u Sheegay Saraakiisha in howl wanaagsan ay u hayaan Soomaaliya lagana doonayo in ciidamada ay si joogta ugu Bogaadiyeen si Wadaniyad iyo dal jaceyl ku jiro inay u Qaataan tababarka, isagoo sheegay in tababarka ciidamada la mideyn doono si loo helo ciidamo Tababar isku mid ah qaba..
 
Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa gaba gabadii mid mid u Kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada Ay ku wax ku bartaan ciidamada.