Hot Topics

Jowhar oo laga dareemayo dhaq-dhaqa magacaabista Golaha Wasiirada Hir-shabeelle.

Jowhar – Xarunta maamulka Hir-Shabeele ee Jowhar waxaa xalay laga dareemayay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, kaasi oo la xiriira liiska magacaabista golaha wasiirada Xukuumadda Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare oo wakhti dheer lasu gayay.

Madaxweynaha Hir-shabeele oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Balad-wayne ayaa shalay galab ku laabtay Jowhar, si kulamo wadatashiya ula yeesho odayaasha dhaqanka , isla markaana dhakhso lagu soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi.

Il wareedyada aan manta ka helayno Jowhar ayaa waxay sheegayaan in weli uu Madaxweyne Waare uu wado wadatashiyadii u dambeeyay ayna macquul tahay in saakaba uu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada.

Magaalada Jowhar waxaa ku sugan siyaasiyiin farabadan oo xildoon, waxaana horay u jirtay in Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay isku khilaafeen qaabka loo soo magacaabayo wasiirada, hase ahaatee markii dambe la xaliyay.