Hot Topics

Xaaskii hore Meles zenawi oo laga xayuubiyey xubinimadii xisbiga TBLF .

Azeb Mesfin oo ah Xaaskii hore ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa lagala laabtay Xubinimada Xisbiga TPLF oo ah xisbiga talada dalkaas hadda haya.

Arrinatan waxay ku timid kadib markii ay kulamo badan oo wadatashi ah ay yeesheen Madaxda Xisbigaas taas oo keentay Xubinimadii Xisbiga TPLF in lagala laabto.

Sidoo kale waxaa hoos loo dhigay xilalkii ay ka hayeen xisbigaas Beyene Mikru iyo Abay Woldu  oo ahaa kaaliyayaashedii,iyada oo Xubin ka aheyd Guddiga fulinta ee Xisbiga TPLF.
Kala noqoshada Xubinimda Azeb ayaa timid xili eedeyn kala duwan ay uga imaaneysay Madaxda Xisbiga taas oo ku saabsaneyd in kulamo badan uu xisbiga lahaa ay ka baxday,tas oo keentay in dhamaan awoodii ay ku laheyd xisbiga laga xayuubiyo.

Weli dhankeeda wax jawaab ah kama bixin talaabadan ay Madaxda Xisbiga TPLF ay Xubinimadii ay ku laheyd Xisbigaas uga qaadeen

Azeb Mesfin oo ah Xaaskii hore ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa awood badan ku lahayd xisbiga dhexdiisa taasoo hada soo dhamaatay .