Hot Topics

Mid ka mid ah Wasiiradii Madaxweyne Waare magacaabay saacado ka hor oo iscasilay

Ismaaciil Maxamed Culusow Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta uu saacado ka hor umagacaabay Madaxweyne Waare,ayaa sheegay in uu xilkaas iska casilay ,isagoo ku sababeeyay iscasilaadiisa in uusan Madaxweynaha Hirshabelle uusan kala tashan magacaabistaas.
 
Ku dhowaaqistan is casilaada ee Ismaaciil Culusow,ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku dhowaaqo mid kamid ah golaha Wasiirada saacado ka hor lagu dhawaaqay ee Hirshabelle.
 
Madaxweyne Waare ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ka kooban 57-xubnood,waxaana wali harsan oo aan masuul loo magacaabin Wasaaradii Haweenka.