Hot Topics

DEG DEG – Dhul laga haystay Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf oo Xaaskiisii lagu wareejiyay (Daawo)

Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa manta ku guulaystay dib u soo celinta dhul uu lahaa Eebe ha Naxariistii Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed caruurtiisa, kaasi oo ku yaala Degmada Wadajir,wakhti dheerna laga haystay.

Thaabit Cabdi Maxamed Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaan xoog lagu haysan Karin qof muwaadina dhulkiisa iyo hantidiisa, wuxuuna nalan ku qaaday Gudoomiyaha Banaadir in aan loo dulqaadan doonin shaqsi guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heysto.

Goobta ay wareejinta ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay Eebe ha Unaxariistee Maxaweynihii hore ee Somali Cabdullaahi Yuusuf, iyo bulshada degmada kuwaas oo si wanaagasan u soo wada dhaweeyay talaabadani.

Cabdifataax Xalane Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in halkan ay tahay Caasimadda ummadda Somaliyed hadii ay hagaagtana dalka oo dhn uu wanaagsananayo, sidaas daaradeedna maanta ay tahay wax wanaagsan in qoyskii Cabdullaahi Yuusuf lagu wareejiyo gurigooda.

Daawo-