Hot Topics

DEG DEG – Diyaar waday Mukhtaar Roobow oo ka degtay Xudur.

Xudur – Wararka warbaahinta Idil News ka soo gaarya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.

Roobow oo xilliyadii ugu danbeeysay ku sugnaa Caasumadda Dalka Somalia, waxaana safarka uu ku tagay Xudur ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Qaranka Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, iyadoona si wayn loo dhaweeyay.

Ma cada, waxa uu salka ku hayo safarka Wafdiga uu hogaaminayo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

FG – Wixii ku soo kordha safarka wafdiga gaaray Xudur dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa, hadii Alle Idmo.