Hot Topics

NISA oo gacanta ku dhigay rag dilay haweenay waayeela.

Muqdisho – Howl-gal ciidamada Nabad Suggida ay ka sameeyeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo xubno Al-Shabaab ka tirsanaa.

Ragga la qabtay oo tiradooda lagu shegay 3-ruux ayaa habeen hore dil ka gaysatay deegaanka Garasbaaley, waxaana ay dileen haweenay da’ aheyd.

NISA ayaa gacanta ku dhigtay dhagar qabayashan ka tirsan Shabaab, waxayna ciidamadu sheegeen inay  hadda lagu haayo xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Axmed [Garyare] Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay inaysan u dulqaadaneyn dilalka loo gaysanaayo haweenka ku nool deegaanadaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan u gaysta saraakiisha iyo askarka la shaqeysa dowladda Federalka Somalia.