Hot Topics

Kenya : Muwaadin soomaali ah oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah .

Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya, ayaa 30 Sano oo xabsi ah ku riddaay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Taakoow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada u dusin jiray Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka, wuxuuna tuhmanuhu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay dembiyada lagu soo eedeeyay.

Xigasho/Daily Nation