Hot Topics

Warshadda dharka ciidanka xoogga Dalka Somalia oo la hirgalinayo

Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa manta la filayaa in lagu qabto kulan dadwayne, kaasi oo lagu soo bandhigi doono Miisaaniyadda 2018, waxaana soo qaban-qaabiya Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa kulankaan ku marti qaaday qeybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaas oo ka qaadi doona xog uruurin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka oo Baarlamaanka guda galay aqrinteeda.

Miisaaniyada dowladda ee sanadkan ayaa ka badan miisaaniyadii dowladihii hore, waxna qeyb ka ah khaliga, warsahda dharka ciidamada Dowladda Somalia.

Miisaanaiyadda faraha badan ee dowladda ayaa qorshuhu yahay in wax looga qabto, Caafimadka, Waxbarashada, iyo dhismaha Xarunta Akeedamiyadda Fanka iyo Suugaanta si lo xoojiyo Afka Soomaaliga.