Hot Topics

Farmaajo oo amar ku siiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda in xog ka keento Somalida ku xiran Libya

Muqdisho – War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in warbixin dhameystiran oo xog baaris ah laga keeno xaaladda wadiniintiisa dalka Libya ku dhiban.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada Somaliya ayaa wuxuu u qornaa—

“Kadib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Somalia, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Somalia u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Somalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Somalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Somalia in ay ku dhaqaaqdo.

Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas”