Hot Topics

Al-shabaab oo weerar ku dilay taliyihii guutada 1aad ee ciidamada somaaliya.

Sarkaalkaan ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe kadib markii gaari uu la socday ay Al-Shabaab  wadada u galeen.

Sarkaalkaan oo ahaa taliyihii Ururka 2,aad ee guutada 1,aad Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya waxaa lagu magacaabi jiray Col,Maxamed Raage Tifoow kaas oo gaarigiisa la weeraray.

Sidoo kale waxaa  weerarkaas la sheegay in ay ku dhinteen Ciidamo kale oo la socday Gaarigiisa oo uu haleelay Qoriga Baasuukaha xili ay marayeen halka loo yaqaano Hansheekh oo u dhaxeysa tuulada Gololeey iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarkan ayaa noqonaya weerarkii afraad oo ay kooxda shabaab ku qaadaan masuuliyiinta dawladda dhexe.