Hot Topics

Soomaali la shaqayn jiray magefayaasha Liibiya oo lagu helay inuu dilay 13 Qof .

Maxkamad ku taalla magaaladda Milan ee dalka Talyaaniga aya shaacisay in Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud la ogaaday inuu dalka Libya ku soo dilay  ugu yaraan 13 qof sida ay Maxkamadda horey u shaacisay.

Eedeysanaha oo 20-jir waxaa bishii hore lagu xukumay Xabsi Daa’im, kadib, markii lagu helay inuu la shaqeyn jirey Ma-gefayaasha Libya, isla markaana uu Kufsi, Jirdil iyo dilal u geystay Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu haystay Libya.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA  ayaa qortay inay Maxkamadda Milan ku heshay  Cismaan Maxamuud inuu 2 nin oo ka mid ah Tahriibayaasha uu ku daldalay gudaha dalka Libya,

Sidoo kalena uu Kufsi u geystay Haween iyo gabdho aad u yaryar.

Maxkamadda Milan waxay sheegtay in Eedeysanaha oo ah qof aad u arxan darnaa uu dilay ugu yaraan 13-qof oo Soomaali, inkastoo uu horey u qirtay inuu dilay 4 qof oo keliya.