Hot Topics

Wasiir / Xildhibaan Khadiijo oo banaanka keentay in Mooshin laga wado Farmaajo iyo Khayre.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegtay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha oo ay ka soo bilaabaan kor.

Khadiijo oo xalay ka hadleysay munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda ayaa ka sheekeysay taariikhda uu soo maray Mooshinadii lagu ridi jiray Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka.

Xildhibaan / Wasiir Khadiija ayaa ugu horeyn sheegtay in aan Baarlamaanka marna bedeli jirin Ra’iisul Wasaaraha, balse ay aheyd mid ka imaan jirtay Madaxweynihii Ra’iisul Wasaaraha keena.

“Waxaa maalmahan socda waa wax cusub, beeni raad ma leh, mooshinka waxaa caado aheyd in Ra’iisul Wasaare lix bilood  jooga in la bedelo, baarlamaanka ma bedeli jirin, mooshinka kow waxaa bilaabi jiray Madaxweynihii Ra’iisul Wasaariha keena, ayaa dhihi jiray lix bilood ka bacdo markii dalqadiisa arki waayo iyo dantiisa gaarka aheyd orda oo iga soo bedela, maanta Madaxweyne Farmaajo damac kale iyo dalqad kale oo u furan ma jirto oo aan aheyn Danta, Dalka iyo Dadka, wuxuu bedelay wixii  horay oo dhaqan horay loo yaqiin”ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka Madaxweynaha uu rabo inuu bedelo Ra’iisul Wasaare in Wasiiradii xilligaas jooga in la dhihi jiray is casila, si aad berri u soo noqotaan, balse maanta Madaxda jooga aanay sidaas dhaheyn.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa weerar toos ku qaaday shaqsiyaad ay sheegtay inay lacago dowlado kale ka soo qaaday oo raba inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha oo ay kor ka soo bilaabaan, si wixii oo dhan loo dumiyo.

“Dad ayaa raba inay mooshinka keenaan oo ay dhahaan kor ayaa ka soo bilaabeynaa Madaxweynaha ayaa aadeynaa, Meyd macal jameeca yaa raxma, tan tii ma ahan, dad baa raadinaya wixii ay raadin jireen, kuwii shalay maa maanta raba inay xukunka qabtaan, waa ognahay meesha ay joogaan Imaaraadka iyo Nairobi, haddaan rabo magacyadooda waa sheegi karaa hebel iyo hebel, Cadkaanu ku cuni ama ku ciideey waa soo dhamaatay ”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.