Hot Topics

DEG DEG – Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiis wada gaaray (Sawiro)

Caasumadda Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac.

udu
Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa.

Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Idil News u xaqiijiyay in qodobaddii ay isku hayay labada dhinac badankood heshiis Horudhac ah laga gaaray.