Hot Topics

Culimadda Somalia oo ka hadlay Mooshinka laga wado Farmaajo iyo Khayre (Daawo)

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in ay weli taagan tahay musiibadii qaraxii Zoobe ay hadane jiraan dad doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan Madaxda Qaranka.

Waxa uu sheegay in tani aysan suurtagal aheyn isla markaana aan loo adkeysan doonin in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu dalkaan u afduubnaado.

Sidoo kale waxa uu hadalkaas intaas ku daray in hadii dadka mooshinka wada ay joojin waayaan iyo Siyaasiyiinta qalalaasaha wada dhuunta laga qaban doono lagana matajin doono laaluushki iay soo qaateen sida uu hadalka u dhigay.