Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo bandhigay waxqabadka Xukuumadiisa (Daawo)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda iyo Geedi socodka hanaanka dowladda oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii ka qabsoomay Amniga,Waxbarashada, Maaliyadda Dalka, Socdaalka,Qorshaha Qaranka iyo Arimaha bulshada.

Daawo-