Hot Topics

Somaliya oo cambaaraysay Weerar Gantaalo oo lagu qaaday Riyaadh (War-murtiyeed)

Dowladda Somalia ayaa si xooggan u cambaareysay gantaalkii Jabhada Xuutiyiinta Yemen maalmo ka hor ku weerareen agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War saxaafadeed ku qornaa Afafka English-ka iyo Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah, isla markaana walaac looga muujiyay kororka rabshadaha wiiqi kara amniga iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamka.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ku garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalkooda, waxaana dowladdu cadeysay inay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Sacuudiga, si looga hortago khatarta Argagixisada.

 

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay:-