Hot Topics

DEG DEG – Shirka Amniga Qaranka oo ka dhacaya Xalane

Muqdisho – Shir heer sare ah oo Amniga Qaranka looga hadlayo ayaa maanta ka furmaya Xarunta Xalane oo xarumo iyo Talis u ah howl galka AMISOM iyo safaaradaha reer galbeedka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan xubno sar sare ah oo caalami ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow.

Shirka looga hadlayo amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul goboleedyada, Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirada Beesha Caalamka iyo Saraakiil Ajnabi ah.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Yariisow] Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia  oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii May ee ka dhacay London, dib u habeynta ciidamada, howl galada, u diyaar garowga sidii Ciidamada Soomaaliya amniga ugala wareegi lahaayeen iyo qorshayaasha u degsan amniga.

Yariisow wuxuu sheegay 5-ta bisha December in Muqdisho uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.