Hot Topics

Dufacadii 17-aad Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Afrika(Sawiro)

Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, aya ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda ka qalinjabiyay Jaamacadda ayaa tiradoodu ay gaaraysaa 541 Arday, kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, waxaana qayb ka noqonayaan Ardaydii horay Jaamacadda uga qalinjabiyay.

Mas’uuliyiinta ka qayb galay Munaasabada ayaa Ardayda ugu hambalyeeyay guusha Waxbarasho ee ay gaaren, waxayna ku booriyeen inay bulshadooda uga faa’iideeyaan Aqoonta ay barteen.

Qaar ka mid ah Ardayda oo la hadlay Idilnews, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha Waxbarasho ee ay gaareen, ayna ka go’an tahay inay dalkooda, dadkooda iyo diintooda u adeegaan.

Jaamacadda Bariga Afrika oo la Aasaasay sanadkii 1997 ayaa ah Jaamacadda ugu faca wayn Puntland, waxayna xarumo kala duwan ku leedahay gobolada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasabada;

www.idinnews.com.