Hot Topics

Shariif Xassan Oo Sheegay Innaan La Joogin Xilligii Ay Amisom Wadanka Ka Bixi Lahayd(Dhagayso)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay innaan la joogin xillkigii ay Amisom dalka ka bixi lahayd, waxaana uu sheegay in haddii xaaladan ay Amisom uga tagto dalka dhibaato wayn laga dhaxli doono.

”Amisom bixitaankeeda la sheegay, annigu waxaan is leeyahay xilligii Amisom ay bixi lahayd lama joogo, sababtoo ah Ciidankeena ma dhismin dhulkuna ma aha Nabad” Ayuu yiri Madaxweynaha Konfur Galbeed Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wuxuu intaas ku daray”…..Dadka Soomaaliyeed haddii sidan ay yihiin looga tago dhibaato ayay noqonaysaa, waxaan rajaynaya in Ciidanka la dhiso Amisom iyada oo Ciidanka dhistay dhulkuna Nabad yahay, jidkuna uu furan yahay la helo Ciidamo kala wareegi kara, taas ayaa Ciidankii ka dhintay iyo dhibtii gaartay abaal marin u noqon karto”.

Shariif Xassan ayaa sheegay in Ciidanka Soomaaliya aysan difaaci karin dalka, isla markaana aysan haysan karin halka ay qabsadaan, sababtana wuxuu ku sheegay inay tahay Hubka ay haystaan oo aan tayo badan lahayn

”Ciidankeena dhibtoodu waa meelaha qaar ma difaaci karaan, sababtuna waa Hubka ay haystaan, hadii hubka culus ay haysan lahaayen waxaan aaminsanahay meelaha ay qabsadaan inay haysan lahaayen” Ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay shir looga hadlayay amaanka oo maanta ka furmay Xerada Xalane ee Muqdisho, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Hoos Ka Dhagayso Khudbadiisa;

www.idilnews.com.