Hot Topics

Xoolo Tira Badan Oo Si Habsami Leh Uga Dhoofaya Dekeda Boosaaso(Sawiro)

Xoolo isugu jira Geel iyo Ari, ayaa si habsami leh uga dhoofaya Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Baro, xilli dhinaca kalena ay dagayaan Doonyo wada Badeecooyin kala duwan.

Maraakiibta iyo Doonyaha raraya Xoolaha, ayaa u dhoofi doona wadamada Khaliijka ee xiriirka Ganacsi uu kala dhexeeyo Puntland, kuwaas oo Xoolaha Soomaalida si wayn loogu iibgeeyo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan, ayaa sheegay in Xoolaha ka dhoofaya Dekeda iyo Badeecaha degaya ay si wannaagsan u socdaan, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay la jaanqaadeen maamulka cusub ee Dekeda Boosaaso.

Waxaa gudaha Dekeda marka aad gasho ay indhahaagu qabanayaan Maraakiib iyo Doonyo raraya Xoolo, halka Ganacsatada dhabar raratada ah ahna ay si caadi ah u shaqaysanayaan.

Dhaqdhaqaaqa Dekeda magaalada Boosaaso ayaa ah mid aad mashquul u ah, xilli ay jireen muddooyinkii ugu dambeeyay Warar been abuur ah oo laga qoray hannaanka shaqo ee Dekeda Boosaaso.

Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqayn doonto Ganacsatada, ayna Dekeda Boosaaso u furan tahay guud ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Marka laga tago Xoolaha Dhoofaya waxaa Xusid mudan in Dekeda magaaalda Boosaso ay tahay Dekeda ugu khidmada yar Dekedaha Soomaaliya, sida ay dawladu dhowaan shaacisayhttps://www.idilnews.com/2017/11/29/dekeda-bosaso-oo-noqotay-mida-ugu-khidmad-jaban-guud-ahaan-dekedaha-soomaaliya/

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Suuqyada Boosaaso ayaa si xawli ah ku soconaya, waxaana ganacsatada Shirdaha waawayn iyo kuwa yar yar ay ku hawlan yihiin hawlahooda shaqo.

Si kastaba ha ahate, Isimada, waxgaradka iyo Xukuumadda ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la illaaliyo amniga, hormarka iyo kala dambaynta si aysan cabashada ka timaada Ganacsato kooban ugu soo dhuuman Cadowga Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada Xoolaha Ka Dhoofaya Dekeda Boosaaso:

www.idilnews.com.