Hot Topics

Kooxda Kubada Cagta Puntland Oo U Dhoofay Muqdisho Iyo Tartanka Maamulada Oo Furmaya(Sawiro)

Kooxda Kubada Cagta ee matalaysa Maamulka Puntland, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana ay ku wahan yihiin magaalada Muqdsho ee Caasimada Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ka qayb galaya tartanka Maamul goboleedada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo furmi doona Muqdisho 7-da bishan hadduu ALLE raali ka noqdo, waxaana qabanqaabada Koobka furmi doona laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedada.

Waxaa Ciyaaryahanada garoonka Garowe ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana maanta ay gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Kooxda Kubada Cagta Puntland, ayaa ah Kooxda difaacanaysa Koobka maamul goboleedada, kaasi oo ay qaadeen sanadkii tagay, waxaana mar kale ay rajo ka qabaan inay Koobka hantaan.

Kooxaha kale ee dhigooda ah sida Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa iyana maanta gaari doona Muqdisho, waxaaana Kooxahan ay labada maalmood ee soo socota u diyaargaroobi doonaan tartanka Koobka.

Magaalada Muqdisho ayaa markii labaad marti gelinaysa tartanka, waxaana dawlada Federaalka ay sheegtay inay aad ugu diyaargarowday qabashada Koobka.

Tartanka Maamul goboleedada, ayaa ah tartan aad u xiisa badan, waana tartan ay dhalinyaradu si wayn u xiisayso.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.idilnews.com