Hot Topics

Xukuumadda Cusub Ee Hirshabeele Ma Heli Doonta Codka Kalsoonida Baarlamaanka? (Dhagayso)

Iyadoo dhowaan Madaxweynaha Hirshabeele uu magacaabay Golihiisa Xukuumadda, ayna jiraan Wasiiro iscasilay oo ka mid ahaa Xukuumadda, ayaa waxaa soo baxay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeele oo dhaliilsan hannaanka loo dhisay Xukuumadda cusub.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, ayaa yeelanaya shirar goos goos ah, kuwaas oo ay isugu diyaarinayaan inay kaga hortagaan in Xukuumaddu ay codka kalsoonida hesho, waxaana Xildhibaanada kulamadu ay u socda ay dhaliilo xoogan u jeediyeen Madaxweyne Waare.

Eedeymaha ay u jeediyeen Madaxweynaha Hirshabeele Xildhibaanadu ayaa waxa ugu wayn;

-In Madaxweynuhu uusan hannaan Dastuuri ah u marin magacaabista Xukuumadda cusub.

-In Xukuumadda cusub ay qayb ka yihiin dhaliyaro ay da’doodu ay u dhaxayso 18 illaa 20.

-In Madaxweynuhu uusan Saami siin Haweenka, uuna meesha ka saaray Wasaaradda Haweenka oo Xukuumadda aan ka mid ahayn.

-In Madaxweynuhu uu ka horyimi qorshaha ay dawladu ku doonayso inay kula dagaalanto Shabaab.

-In Madaxweynuhu uu ku tagri falay Awooda, uuna ku fashilmay hogaanka dawlada iyo arrimo kale.

Waxay Xildhibaanadu dalbadeen in madaxweynuhu uu dib ugu noqdo Xukuumadda uu soo dhisay, si ay codka kalsoonida u hesho.

Xukuumadda Madaxweynaha Hirshabeele ayaan wali hortagin Golaha Baarlamaanka Hirshabeele, waxaana muuqnaya in sida codka kalsoonida ay ku hesho ay adag tahay, maadama inta bada Xildhibaanadu ay diidan yihiin Xukuumadda.

Madaxweyne Waare ayaa dadaal xoog leh u gali doona sidii Xukuumadiisu ay u heli lahayd Codka kalsoonida ka dib marka uu dib uga soo laabto shirka Muqdisho.

Hoos Ka Dhagayso Codka Xildhibaanada;

www.idilnews.com.