Hot Topics

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay caqabada ammanka ee horyaala dowladiisa (Daawo)

Garowe – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay kullan ku saabsan arrimaha amniga Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda Soomaaliya iyo wufuud caalami ah.

Shirka wuxuu daba socdaa shirkii bishii May ka dhacay magaalada London kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya iyo maalgelintooda.

Shirka waxaa sidoo kale la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada AMISOM, in militariga Soomaaliya la wareegaan howlaha amniga iyo dhaqaalaha ciidamada Soomaaliya ku baxaya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay furitaanka shirka maanta ka furmay Muqdisho wuxuu sheegay “Waxaan wax badan ka baranay baahida iyo awoodda ay leeyihiin ciidankeena. Macluumaadkan waxaan u adeegsan doonaa in aan ku salaynayo isbedelka aan sameynayno. Guulahan aan gaarneyn waxay fududeyn doonaan meelmarinta qaab dhismeedka ammaanka qaran, iyo qaabka wax ku oolka ah ee loo wajahayo ammaanka.”

 

 

Ayub A. Ali  – Idil News.