Hot Topics

Video:-Gudoomiye Dhado”Ganacsatada Canshuur iskuma hayno Ee Qandaraasyo ayaan isku haynaa”

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys(Dhedo), ayaa sheegay in xaaladaha ka jira magaalada Boosaaso ee dhinaca amaanka iyo muranka Dekeda ay ka danbeeyaan ganacsato rabta in Qandaraasyada dhismaha Dekeda qaybta ka ah la siiyo.

Gudoomiye Dhado ayaa yiri”Iskuma hayno Ganacsatada Canshuur kordhin ee waxaan isku haynaa qandaraasyo”.

Hadalkan ayaa yimid ,iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu buuq iyo muran ka taagnaa Dekeda Bosaso kaasoo ku saabsanaa canshuur la sheegay in lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega.inkastoo shaqadii Dekeda ay hada dib ubilaabatay si caadiyana ay uga dhoofaan xooluhu uguna soo dagaan badeecadaha kale ee kala duwan.

Hadalkan ayuu Gudoomiye Dhado ka jeediyay xaflad loo qabtay arday ka qalin jebinaysay jaamacada Bariga Afrika Ee Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoos ka daawo muuqaalka