Hot Topics

Video:- Baarlamaanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Oo ansixiyey gudiyo cusub .

Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka.

kulankaan ayaa waxaa  shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari,waxaana kulanka  soo xaadiray xildhibaano gaaraya ilaa 159 Mudane.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayaashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqon doonta Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa 158 Mudane, waxaa diiday hal Xildhibaan, ma jirin Mid ka aamusay sidaas ayayna ku gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

                                                                 

                                               Halkan hoose  ka daawo muuqaalka