Hot Topics

Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe Oo khudbad ka jeediyay shirka Amniga Ee Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir lagaga hadlayay xaaladaha amaanka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah JFS iyo hogaanka Dowlada Dhexe Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo cid walba oo gacan ka gaysanaysa nabad kusoo dabaalida Soomaaliya ku booriyay in ay sii laban laaban tageeradooda Soomaaliya.

Dagaalka lagula jiro Argagixisada ayuu Madaxweynahu sheegay in uu u baahan yahay Midnimo iyo wadajir in loo wajaho si gaar ah Madaxweynahu AMISOM iyo Beesha Caalamka ayuu sheegay in ay wakhtiga kooban ee la haysto kaga faa’íidaysataan in ay Soomaaliya garab istaagan oo ay deg deg wax ula qabtaan.

Abaabulka Bulshada oo ka dharagsan dhibaatada nabadiidka ayuu sheegay in ay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab isla markana laga qayb galiyo dhamaan cidii loo baahdo.

Gobolka Jubada Dhexe ayuu Madaxweynahu xusay in uu yahay gobolka kaliyah ee ay Argagixisadu dhamaantii wada haysato isla markana ay doonayaan in dhawaan ay qaadan gulufkii lagaga xorayn lahaa maadama ay noqotay halka ay isugu geeyeen wax walba oo awood ay lahayeena ay u baahan tahay Jubbaland tageerada Dowlada Soomaaliya iyo mida Beesha Caalamka.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay heshiiska hordhaca ah ee ay dhawaan gaareen Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ahlusuna waxaana uu ku baaqay in la dardar galiyo waxyabaha ka dhiman heshiiskan si uu dhabaha ugu xaaro daganansho dhinaca Siyaasada ah ee deegaanka ka hirgala,hooska daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka