Hot Topics

Ciidamada Puntland iyo Shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Af-urur

Deegaanka af Urur ee gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Nabad sugidda Puntland.

Dagaalkan oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday Saldhig ciidamada ammaanku ay ku lahaayeen Duleedka deegaanka Af-Urur ayey kala kulmeen iska caabin xoogan mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacyadii ku dagaalku dhexmaray sida ay noo xaqiijiyeen dadka reer guuraaga ah.

Sidoo kale waxay sheegayaan wararku inay Al-Shabaabkii laga soo cayriyey Koonfurta Soomaaliya ay soo galeen deegaanada Buuralayda Gal-Gala iyo Silsilada Golis taas oo fariisino hore ay ka ku lahayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugidda Puntland ee gobolka Bari ayaa diyaar Garow xoogan la galiyey sidoo kale Deegaanka Gal-Gala ayaa la gaarsiiyey Ciidamo hubaysan oo horleh kuwaas oo dawladu ay u gaysay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab halka horayna ay uga hawlgalayeen buuralayda Calmadow iyo Af-Urur oo dhamaan ka tirsan Gobolka Bari.

Xigasho – Universal Tv.