Hot Topics

QM oo ka hadashay dilka loo gaystay Ciidamada Nadab Ilaalinta ee ku sugan Congo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii dilka ahaa ee lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Antonio Guterres ayaa farta ku fiiqay in weerarradan sida ula kaca ah ee lagu bartilmaameedsanayo nabad-ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay aan la aqbali karin waxaana uu ku tilmaamay dembi dagaal,isagoo intaa ku daray, inuu cambaareynayo weerarkan si aan kala go ‘lahayn.”

Dagaalyahano looga shakisanyahay kooxda fallaagada Allied Democratic Forces (ADF) ayaa weeraray Xarunta Howl-galka oo ay maamusho MONUSCO (Hawlgalka Xasilinta ee UN-ka ee DRC), oo ku taala Semuliki ee deegaanka Beni, halkaa oo dagaal culus ku dhexmaray ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugnaa saldhiga, iyo dagaalyahanada weerarka soo qaaday.

Weerarka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 14 ciidamada nabad ilaalinta iyo dhaawacyo ka badan 50 qof, oo qaarkood dhaawacooda halis yahay.

Inta badan ciidamada nabadgelyada ee la dilay ayaa ka yimid wadankaTansaaniya iyada oo ugu yaraan shan ka mid ahi ahaayeen Congolese.