Hot Topics

Video:-Maamulka Somaliland Oo ka hor yimid la wareegida Hawada Dalka Ee dowlada Fadaraalka

Maareeyaaha garoomada ee Maamulka Somaliland ,ayaa sheegay in Hawada deegaamada Somaliland aysan marna hoos imaanayn maamulideeda dowlada Fadaraalka Somaliya,taasoo maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka guud ahaan Hawada Dalka Somaliya.

Dhawaaqa kasoo yeeray Maamulka Somaliland,yaa ku salaysan rabitaankooda ah in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland mahan dal madax banaan umana hirgalin hamigoodii ahaa ka go’ida jamhuuriyada Somaliya.

Hadalkan kasoo yeeray maanta Maareeyaha Garoomada Somaliland mahan mid saamayn leh,sababtoo ah iyagoo indhahoodu shan yihiin ayay dowlada Fadaraalka Somaliya la wareegtay maamulka guud ahaan Hawada Somaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay.

Caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland qayb ka mid ah Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya,sidoo kale u aqoonsan dowlada Villa Somaliya fadhida mida kaliya ee matasha guud ahaan jamhuuriyadaas,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka