Hot Topics

Dhagayso:-Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame Oo gaaray heshiis hor dhac ah

Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Cagaare ee ismaamulka Somalida Itoobiya,ayaa maanta gaaray heshiis hor dhac ah oo xabad joojin ah.
 
Heshiiska maanta ay gaareen beelahaas ayaa ka koobnaa sideed qodob,iyadoo ay dhexdhexaad ka ahaayeen Isimo iyo waxgarad ka kala yimid beelaha kale ee beelweynta Daarood iyo maamulada Puntland,ismaamulka Somalida Itoobiya iyo dowlada Fadaraalka Itoobiya.
 
Hesiiskan,ayaa waxaa ukala saxiixay labada beelood min 21-ergo oo ay kala hogaaminayaan labada Isin ee kala ah islaan Bahiir Islaan Cabdulle iyo Garaad jaamac Garaad cali.
 
Sidoo kale heshiiska waxaa ka mid ah in mudo bil gudaheed ah layskugu yimaado shirweyne colaadaas lagu soo afjarayo,waxaana gogosha shirkaas qaadatay oo dhigaysa Beesha Cumar Maxamuud.
 
Hadaba waxaan waraysi kala yeelanay heshiiskaas iyo sida xaalku hada yahay Caaqil kamid caaqilada qaybta ka ahaa nabadaynta,hoos ka dhagayso codka caaqilka.
 

 

 

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Caaqilka