Hot Topics

Safiirkii Safaarada Somalida Ee Zambia Oo la badalay

Safiirkii Safaarada Somalida ee dalka Zambia,ayaa maanta jaaliyada Somalida ee zambia si weyn u sagootisay.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia Maxamud Maxamed Hiiraan oo hormuud u ahaa jaaliyada ayaa uqabtay safiirka kulan sagootin ah.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia Maxamud Maxamed Hiiraan,ayaa safiirka gudoon siiyay shahaado sharaf ay ku sharaftay jaaliyadu.

Safiir ayaa ahaa masuul aad ay ujecel yihiin guud ahaan jaaliyada Somalida ee dalka Zambia,waana mida keentay in ay gudoon siiyaan shahaado sharaf ay ku tilmaamayaan wadaniyadisii,daacadnimadiisii iyo hawlkarnimadisa.

Safiir Mohamed Hasan Dawaare,ayaa safiir ka ahaa Safaarada Somalida ee dalka zambia Ilaa 17/07/12 mudo ku siman 5 sano iyo bilo.

Safiir Dawaare ayaa intii uuu ka ahaa Safiirka dalkaas waxuu qabtay hawlo fara badan oo waxtar u ahaa bulshada Somaliyed ee ku dhaqan dalkaas.

Safiir Dawaare oo mudo ka badan 57-sano usoo shaqaynayay danaha Umada Somaliyed,ayaa la oran karaa tan iyo burburkii waa Safiirka kaliya ee jaaliyada dalka uu Safiirka ka ahaa ay gudoonsiiso Shahaado sharaf kana xumaato in laga badalay.

Safiirkii hore ee Safaarada Somalida Zambia Dawaare,ayaa lagu amray in uu soo galo dalka mana jirto ilaa iyo hada meel kale oo loo magacaabay oo la shaaciyay.

Badalkiisa,ayaa la keenay Safaarada Somalida ee Zambia Safiirkii hore ee Safaarada Somalida ee dalka Pakistan Axmed Mareexaan oo ay isku beel yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku tilmaama in uu yahay wadani daacad ah oo aysan ukala sokayn Somalidu.