Hot Topics

Kulan Balaadhan Oo Dood Cilmiyeed Ah Ayaa Ka Furmay Xarunta DDSI

Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Qaar kamid ah kaabaneega deegaanka, Agaasimayaasha iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha heer deegaan odayaal dhaqameedka deegaanka culimo owdiinka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada ee Kaali1.

Hadaba kulankan Dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si kooban uga warbixiyay sooyaalka taariikheed ee horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana sheegay in uu ujeedada kulankan yahay dood cilmiyeed ku suubsan la dagaalanka dhaqan isgumaysiga ah ee ku salaysan yasida qaabiilaadka qaar, in laga doodo Cadooyinka xunxun sida gudniinka fircooniga ah, Shaqo abuurka iyo xalinta dhibaatooyin kajira teesaraha deegaanka.

Wuxuuna Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlaya dhaqan is gumaysiga qabiilaadka soomaaliyeed ka dhexjira ee ku salaysan yasida qabiilaadka qaar. Isagoo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay erayga midgaan oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay eraygaas micnihiisa in loo isticmaali jiray ugaadhsigii oo noqonaysa MID GAN oo ah FALAADHA MID GAN. Micnaha Erayga gabooyana yahay bahasha lagu rito falaadha. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale qeexay macnaha erayga tumaal oo uu ku sheegay inuu yahay ah TUM OO MAAL ama TUN MAAL . Wuxuuna madaxwaynuhu ku dhaliilay qabiilaadkaas in ay ku khaldameen isyasitaanka ay is yaseen islamarkaana ay joojiyaan is yasitaankaas maadaama dadku simanyahay oo uusan jirin mid mid ka fiican.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa soo dhigay ka doodida cadooyinka xun xun oo uu ugu horeeyo gudniinka fircooniga ah oo haboon in lagu saleeyo deegaanka lagu suganyahay oo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay deegaanada axmaarada iyo dhabuub oo maraya inay ka doodaan in xubinta aan waxba laga jirin iyo in waxyar laga jaro meesha deegaankeenu marayo in xubinta tolitaanka iyo qalitaanka laga daayo. Madaxwaynaha ayaana culimo owdiinka u xilsaaray inay soo cadeeyaan qodobkan cadooyinka xun-xun eek amid yahay gudniinka fircooniga ah.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in dhibaato ka jirto bixinta teesaraha islamarkaana ay jiraan degmooyin aan lahayn goob sawir lagu qaado, Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in dhibaatooyinkaas sida ugu dhaqsadi baadn lagu xalin doona iyadoo hal qaab loo dhigi doono teesaraha oo xoga uu buuxiyo un shaqsiga lagusiin doono. Dhanka degmooyinka aan lahay goob sawirna loo samayn doono iyadoo lasiin doono dhalinyaro shaqo abuur loogu samaynayo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay kasoo qaybgalayaashii dood cilmiyeedka oo ay kamdi ahaayeen culimo owdiinka oo sheegay in dhaqan isagumaysiga ku salaysan yasida qabiilada qaar iyo cadooyinka xun=xun oo uu kamid yahay gudniinka fircooniga uu yahay mid diiniyan aan haboonayn islamarkaana aysan jirin aayad quraan ah oo ka hadlaysa iyo xadiis midnaba.

Sikastaba ha ahaatee kulankan dood cilmiyeedka ah ayaa maalmahan soo socda kasii socon doona hoolka shirarka ee madaxtooyada ee Kaali1.