Hot Topics

‘C C C Sharmaarke Oo ah Siyaasiga ku caanbaxay Khibrad iyo Kalsooni”

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waa siyaasi, waana Reysal Wasaarihii ugu horeeyay ee Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, 2009-kii. Waxaa dhalay madaxweynihii 2-aad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Raysulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirtashiid Cali Sharmaarke waa shaqsiga keliya oo maanta nool Soomaaliya laba jeer Raysulwasaare ka noqda nasiibkaa u diiday in uu noqdo Madfaxweynaha Soomaaliya waana shaqsi ay aad u qadariyaal shacabka soomaaliyeed iyo Dhamaan Beesha Caalamka waa siyaasi degan khibrad iyo kalsooni ku dheehan tahay waxaa tusaale kuugu filan Cumar miis wada fariista markaas ayaad dareemaysaa Cumar Qofka uu yahay.

Laakiin Waxaa jira shakhsiyaad ka masayrsan Cumar oo Aamin Arts ka Kartoomada ku caanka oo xcoogaa laaluush hawada usoo mariya

Wax ka ogow Taariikh kooban

Waxa uu bartay Cilmiga Dhaqaalaha iyo Siyaasadda. Dhalashadiisa asalka ah waa Soomaali, balse waxa uu dhalosho 2-aad ka haystaa dalka Canada, halkaas oo ay isaga iyo qoyskiisu ka heleen dib u dejin, markii ay dowladnimadii Soomaaliya burburtay 1991-kii.

Waa dhal madaxeed iyo dhal qoys caan ka ah Soomaaliya. Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Ruqiyo Daahir Cali Boos, waxa ayna ku geeriyootay dalka Canada, isaga oo Reysal-Wasaare ka ah dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha ka ahaa. Awoowgii dhalay hooyadii, Daahir Cali Boos, ayaa ahaa wadaad caan ahaa.

Shaqooyin la xiriira Diblomaasiyadda ayuu kasoo qabtay dalalka Sri Lanka, Sudan iyo Sera lion, isaga oo matalaya Qaramada Midoobay. Sudan ayuu ku dhaawacmay, isaga oo halkaas u jooga shaqo uu hayay Qaramada Midoobay. Hay’ado ka shaqeeya hormarinta oo Canada ka diiwaangalsan, sida Center For Peace and Development Initiatives, ayuu sidoo kale kasoo mid noqday. Mareykankana waxa uu kasoo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya halkaas intii u dhaxeysay July 2014 ilaa December 2014.

Waxbarashada

Cumar Cabdirashiid waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga ahayd ku qaatay Soomaaliya. Heerka Koowaad ee Jaamacadda (Bachelor Degree) waxa uu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, halkaas oo uu ka bartay Cilmiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Heerka Labaad ee Jaamacadda (Masters Degree) waxa uu ka qaatay Jaamacadda Carleton University ee magaalada Ottawa, dalka Canada. Halkaas waxa uu ka bartay Cilmiga Siyaasadda.

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

Shaqadisii ugu horeysay waxa uu Cumar Cabdirashiid Cali kasoo qabtay Bankiga Soomaaliya. Shirkadda Cocacola ayuu sidoo kale kasoo shaqeeyay.

Sanadkii 2000, Qaramada Midoobay ayuu uga soo shaqeeyay Dalalka Sierra Lione, Sri Lanka iyo Sudan. Sudan ayuu Cumar Cabdirashiid kasoo noqday Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, markaas oo uu ka shaqeyn jiray Gobolka Darfur ee dalkaas.

Hay’ad ku diiwaangalsan Canada oo la yiraahdo Center For Peace and Development Initiatives ayuu Cumar ka soo mid ahaa.

13 February, 2009 ayuu noqday Reysal Wasaarihii ugu horeeyay dowladdii Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha ka ahaa. Isla 14-kii February ayuu kalsoonida Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya helay.

July 2014-December 2014, ayuu soo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Markeykanka, ilaa markii dambe markii loo magacaabay Reysal Wasaaraha Soomaaliya uu xilkaas ka tagay.

17-December, 2014 ayuu markiisii 2-aad noqday Reysal Wasaare. Iasaga oo sidoo kale noqday Reysal Wasaarihii 3-aad ee Madaxweynihii dowladdii ugu horeysay ee rasmiya 1991-kii kadib, taa oo uu madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sidaas ku noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee laba jeer Ra’iisul wasaare ka noqda Soomaaliya.

08 Febraayo 2017: wuxuu isku soo taagay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya. Hase yeeshee, waa laga guulaystay..

Xigasho Puntlandnews24…