Hot Topics

Qarax xoog leh Oo goor dhawayd ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho
 
Qaraxa,ayaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo Remote Control laga hagayey waxuuna ka dhacay agagaarka Maxkamadii hore ee Xararyaale oo ku taalla degmada Wardhiigley.
 
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee saldhiga Booliska degmada Dayniile Macalin Faarax.
 
Macalin Faarax,ayaa ka badbaaday qaraxaas mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, ciidamada amaanka ee dowlada Fadaraalka ayaa halkaas gaaray kana bilaabay baaritaano.