Hot Topics

Deg-deg:-Qarax ka dhacay goor dhaweyd Magaalada Muqdisho

Qaraxan miino ayaa lala eegtay gaari raaxo ah oo ay saarnayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda oo marayay inta inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.
 
Wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada dowladda fadaraalka Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhaawacmay hal ruux oo marayay wadada hareerteeda.
 
Wali majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda fadaraalka soomaaliya.