Hot Topics

Gudiga Xil wareejinta Maamulka Gobolka Banaadir Oo la magacaabay

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir ahna Duqii M/Muqdisho ayaa maanta magacaabay Guddiga Xilwarerjinta.

Guddigan uu magacaabay Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa ay ka kooban yihiin Saddex iyo Toban xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaasi oo diyaarinaya Munaasabadda xil wareejinta ee guddoomiyaha cusub iyo guddoomiyihii hore.

Xafladda xil wareejinta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Axadda ee todobaadka soo socda sida ay sheegayn xubno ka tirsan Gobalka Banaadir iyo Guddiga la magacaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona, kuwaasi oo Axadii ina dhaaftay uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed“Farmaajo”