Hot Topics

Somali Qaxootinimo ku tagtay Maraykanka Oo Dhalashada Dalkaas helay

Wali waxaa meesheedii ah wareegtadii dhinaca socdaalka ee Madaxweynaha Maraykanka D. Trump, taas oo ka dhan ah dhowr wadan oo Muslim ah oo Somaliyana ay ku jirto.
 
Waxaa dalka Mareykanka gudihiisa ka helay sharciga dhalashada dad qaxootinimo Maraykanka ku yimid.
 
Xaflad Todobaadkan ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dad gaaraya Labo Boqol iyo Dhowr qof oo badi Afrikaan ahaa, Somalina ubadnaawaxaa lagu siiyay dhalashada dalka Mareykanka.
 
Xafladii dadkan lagu gudoonsiiyey dhalashada waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah, Xeerbeegti iyo Qaadiyo kasocda gobolka Ohio, iyo waliba ehelada iyo saxiibada dadka dhalashada la gudoonsiinayey.