Hot Topics

Dib U dhac kale Oo markale ku yimid magacaabistii Talyayaasha Ciidamada Fadaraalka

Waxaa dib u dhac ku yimid magacaabidii la filayay ee Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo muddo saddex bilood ay banaan yihiin, kaddib markii dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore laga qaaday Taliyeyaashii hayay xilalkaas Sanbaloolshe iyo Saacid.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo xalay ka jiray guux ku aadan magacaabida Taliyeyaasha, iyadoo ay soo baxayeen magacyada shaqsiyaad loo waday xilalkaas, waxaana siyaasiyiinta iyo dadka u dhoon daloola arrimaha ciidamada ay isha ku hayeen dhaq dhaqaaqa magacaabid ee laga dhowrayay Madaxtooyada.

Shirkii Golaha Wasiirada oo la filayay in lagu magacaabo ayaa la sheegay in aan lagu horkeenin soo jeedin la xiriirta magacaabista Taliyeyaasha, waxaana wararka qaar sheegayana in markii hore ay jireen xubno miiska saarnaa, balse Madaxtooyada ay dib u dhigtay.