Hot Topics

Booliska Puntland Oo gacanta ku dhigay Askartii dhaawcday Wasiir Axmed Siciid

Taliska Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiiro Dowlihii Dekadaha ee Puntland, Sidoo kala taliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidankii ka danbeeyay dhaawicii shali galab loo geystay Wasiiru dowlaha Dekadaha ee Puntland Axmed Siciid.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarta dhaawacday Wasiiru Dowlihii Dekedaha ee Puntaland Axmed Siciid.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in cadaalada la hor geyn doono askartaan weerartay Wasiiru Dowlaha Dagadaha ee Maamulka Puntland.

Shalay galin kii danbe ayey aheyd markii ciidamo saarnaa gaari Cabdi Bile ah ay rasaas ay ku fureen gaari uu watay wasiiro dowlaha oo marayay Magaalada Boosaaso ayadoona hadda lagu dabiibayo Axmed Saciid isbitaal ku yaal Magaalada Boosaaso.