Hot Topics

Dowlada Somaliya Oo dalab adag hor dhigtay dowlada Imaaraadka Carabta

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah.
 
Danjire Al-xamaadi ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa Dalka Imaaraat-ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla.
 
Wasiir Cawad ayaa dhankiisa dowladda Imaaraat-ka kaga mahad celiyay dedaallada joogtada ah ee ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.
 
Sidoo kale wasiirka ayaa dowladda Imaaraat-ka ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.
 
Marka laga soo tago warkan loogu talagalay Saxaafada ee quruxda badan xogaha hoose ee laga helayo kulanka,ayaa tilmaamaya in Wasiir Cawad ugudbiyay Safiirka Warqad ka timid Madaxtooyada Somaliya taasoo ay ku qoran yihiin dalabyo dowlada Somaliya ay ka dalbanayso dowlada Imaaraadka Carabta.
 
Dalabyada Villa Somaliya ka yimid ee warraku sheegayaan in gacanta laga saaray Safiirka imaaradka ee Somaliya,ayaa qodobo kamid ah waxay soo gaareen warbaahinta idilNews,waxaana kamid ah dalabayadaas..
 
1.Dhamaan waxii mashaariic ah oo ay dowlada Imaaraadku ka fulinayso gudaha Somaliya in ay soo mariso dowlada Fadaraalka.
 
Masharaaciida ay dowlada Fadaraalku carabaabtay ayaa waxaa ka mid ah, Tababarada,Saadka iyo Kaalmada Milatari ee ay siiso dowlad Goboleedyada dalka.
 
Warkan ayaa haduu uu dhbaoobo waxuu noqon doonaa talaabadii ugu horaysay ee dowlada Fadaraalka uqaado dhanka xoojinta nidaamka dowliga ah iyo xakamaynta faragalinta dowladaha shihseeye siyaasada gudaha ee dalka.