Hot Topics

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Baasaboorkiisa Diblomaasiga loogu diiday in Viso loo saaro

Madaxweynihii hore ee dowlada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Sweden.
 
Baaqashada socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa yimid kadib markii Visaha Dal ku galka ah la diiday in lagu loo saaro ama lagu dhejiyo Baasaboorkiisa Diblomaasiga.
 
Safaaradda Sweden ay ku leedahay dalka Tanzaania ayaa diiday in ay ku dhifato Baasaboorkiisa Diblomaasiga Visaha dal ku galka, maadaama aanay aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga ah.
 
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhankiis adiiday in uu ku safro warqada dal ku galka ah ee ay Safaaradu usoo jeedisay in uu ku galo dalkaas,waxuuna ku adkeystay in Baasaboorkiisa Diblomaasiaga Somaliga ah loogu dhufto Viisaha dal ku galka ah,
 
Xasan Shiikh iyo wafti xildhibaano ah ayaa ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Sweden oo ay ku casuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqaalaha Sweden.
 
Talaabadan ayaa ah mid niyad jab ku ah Umada Somaliyed,isla markaana bahdil ku ah maqaamka dowladeed ee Somaliya..