Hot Topics

”Xaalka Itoobiya iyo iscasilaadii Ra’isalwasaare Desale kadib”

Waxaa amaan buuxa ka jiraa guud ahaan dalka Itoobiya iscasilaadii RW Desale kadib.

Majirto habayaratee wax xiisad ah oo ka taagan waxayna Ciidamada amaanka qaybahooda kala duwan si adag gacanta ugu qabteen amaanka dalka xiligan dib usixidu socoto.

Waxaa socda shirar isdabada joog ah oo looga tashanayo cida badali doonta Desale.

Qowmiyada Tigreega ee iyagu ah awooda rasmiga ah ee gacanta ku haysa dalka,ayaa banaanka iska istaajiyay loolanka cida badali doonta Rw Desale waxayna ugaar yeeleen Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada si kale markii loo dhigo Tigreegu waxay dhigteen barkin dheer iyagooona usheegay Amxaarada iyo Oromada in ay iska soo dhex xulaan Qofka noqon doona Rw dalka.

Oromada ayaa aaminsan in la joogo xiligii ay hogaamin lahaayeen dalka,halka Amxaaradu ay khatar u arkaan Oromada oo noqota Rw Itoobiya.

Dhanka Qowmiyada Somalida ee ah mida sadexaad ee ugu badan dalkaas Dad ahaan aysna wax saamayn ah ku lahayn loolanka socda marka laga soo tago taageeradooda aragtida Tigreega.

Isku soo wada duuboo Itoobiya waa nabad sugaysa isbadal iyo dib uhufid ku yimaada nidaamkeeda dowladeed.

Jibril Qoobey.