Isdabaalaynta Madaxweyne Gaas iyo qorshaha Somaliya iyo Somaliland”

Waxaa dhawaan ka furmi doona Jabuti kulamo dhexmari doona dowlada Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland.

Kulamadan waxaa soo qabanqaabiyay sida xogaha hoose sheegayaan Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle,ka gadaal markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa fududaynaya kulamadan Hay’ad laga leeyahay dalka Swizerland oo lagu magacaabo ‘Centre for Humanitarian Dialogeu’HD. ,.

Somaliland ayay muhiimad weyn uleeyihiin wada hadalada,iyagoo u arka wadada kaliya ee maanta ufuran oo ay ku maarayn karaan mustaqbalkooda kuna jihayn karaan shacabkooda niyada jabsan.

Dowlada Fadaraalka ah waxaa kulankan in ay ka qaybgasho cadaadis ku saaraya,beesha caalamka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee qaybta ka dowlada Fadaraalka ee fadhigeedu yahay Xamar,kuwaasoo aad ugu olalaynaya in Somaliland ay gooni isu taaga ka tanaasusho,taa badalkeedana ay hesho waxay ku qanacdo oo ka gadmi kara.

Qorshahan ayaa waxaa qayb ka ah oo siyaasiyintaas lawata Dowlada Jabuti,Ergayga gaar ka ah ee Qaramada Midoobey iyo dalalka kale oo beesha caalamka kuwooda daneeya arimaha somaliya ka mid ah.

Sida xogaha hoose ay sheegayan qorshaha la olalaynayo ayaa ah in waxqaybsi ku salaysan Koonfur iyo Waqooyi la hirgaliyo nidaamka Fadaraalka ah ee dalku qaatayna loo badalo mid ku salaysan laba Gobol oo Somaliya ah oo midoobay,sidaasna ay Somaliland ku hesho awood ka badan mida Maamulada dalka ay haystaan ee kale.

Kulamadan ayaa furmi doona sida la filayo todobaayada soo socda waxaana marka hore isku arki doona laba wafti oo ka kala socda dowlada Fadaraalka iyo maamulka Somaliland,iyadoo ugu danbaynta ay ka qaybgali doonaan Odoyaal dhaqameedyo.

Dhanka Puntland kulamadan kuma laha wax saamayn ah lagamana tixgalin sidoo kale Madaxweyne Gaas waa la socdaa qorshaha socda mana jirto ilaa iyo hada wax talaabo ah oo uu ka qaaday,taa badalkeeda waxaaba muuqta in uusan dan iyo heelo kala hayn oo uu isdhaafinayo.

Markii la eego ka jawaabis la’aantiisa weerarka Somaliland ee Tukaraq iyo qancin la’aanta shacabka Puntland gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolada SSC iyo safarkisii Muqdisho ee uu kula kulmay wakiilka qaramadamidoobey oo laga helayo xogo khatartooda leh waxay ku tusinyasaa in Madaxweyne Gaas ay uqarsoon yihiin dano isaga ugaar ah.

Maalin ka hor ayay ahayd markii ay shir jaraaid ku qabteen Muqdisho Isimo kasoo jeeda Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee Puntland kuwaasoo diidan shirkaas iyo qorshaha socda.

Jibril Qoobey.