Hot Topics

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga oo booqasho kusoo gaari doona Somaliya

Hakan Çavuşoğlu,waxaa uu booqashadiisa Afrika ka soo billaabayaa dalka Suudaan halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Suudaan, Bakri Xasan Saalax.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa dalka Suudaan xarigga ka jari doona dhismayaasha laba Masaajid,Kastamada Canshuuraha oo Dowladda Turkiga dayactirtay.

Labada Masaajid oo kala ah Al Xanafi iyo Al Shaafici, kuwaas oo ay dhistay Dowladda Cusmaaniyiinta,waxaana hadda dayactir ku sameysay Hay’adda TIKA ee Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Jasiiradda Suakin oo dhawaan Suudaan ku wareejisay Turkigamtaas oo 261 Mayl uun u jirta Magaalada Jeddah oo ah tan labaad ee ugu weyn Sacuudiga,halkaas oo dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka difaaci jirtay Gobolka Xijaaz ee galbeedka Sucuudiga dhaca.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga,waxaa uu Arbacada imanayaa Magaalada Muqdisho isaga oo la kulmaya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.