Hot Topics

Tirada Dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Muqdisho Oo korortay

Tirada dhimashada qaraxyadii mataanaha ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa korortay oo gaartay 34 qof. Inta badan meydadka waxaa la geeyay mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.
 
Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho,ayaa sheegaya in tirada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii labada ahaa ay gaarayaan 34-qof oo 27 kamid ah iyagoo meyd ah la geeyay isbitaalka Madiina, halka labo kamid ah dhaawacii isla isbitaalkaasi la gaarsiiyayna ay geeriyoodeen.
 
Waxaa kale oo ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay meydka 5 -qof oo ahaa maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
 
Qaar ka tirsan wakaaladaha wararka caalamiga ah oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, ayaa sheegaya in dhimashadu ay intaas ka badan tahay oo ay gaareyso ilaa 45-qof.
 
Qaraxyada iyo weerarka waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 36 ruux oo la kala geeyay qaar ka tirsan isbitaallada magaalada Muqdisho.
 
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay weerarradaasi, waxaanay intaas ku dareen in ay ku dileen tobannaan ka tirsan ciidamada Dowladda fadaraalka Soomaaliya.
 
Waxaa jira bur-bur xooggan oo ka muuqda dhismayaasha ku yaalla aagga ay qaraxyadu gil-gileen, oo ah goobo aad ugu kala dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Hey’adda Nabad-sugidda Qaranka.