Hot Topics

Video:-Shirkada Golis Oo adeega Viber Optic ku daahfurtay Magaalada Bosaso

Xaflad ballaaran oo lagu daah-furayey adeegga Internetka ee Viber Optic ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda Shirkadda Golis iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan.
 
..Adeeggan si hufan ayuu u shaqeenayaa, dadweynaha in muddo ah ayey dhegaha u taagayeen, maanta waxaa soo gaarnay waqtigii la daah-furi lahaa, waana daah-furnay ayuu yiri Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad.
 
Madaxa suuq geynta Shirkadda Golis Sheekh Fu’aad ayaa sidoo kale ka hadlay goobta, waxa uuna sheegay in mashruucan uu yahay mashruucii ugu qiimaha badnaa ee Soomaali maal geliso oo dalka la keeno.
 
Maanta waxaan helnay adeeg Internet oo xawaarihiisu sareeyo, isla markaana qiima jaban ayuu yiri Sheekh Fu’aad.
 
Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, xildhibaano katirsan baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya,issimo, ganacsato, bahda waxbarashada ee Puntland, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa ka qaybgalay munaasabadii daah furka oo ka dhacday hotelka Gacayte ee Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka