Hot Topics

Alshabaab Oo burburiyay bar Ciidamada Kenya ay lahaayeen Askarna ku laayay

Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baro ay ciidamada amniga Kenya ku leeyihiin magaalada Fino oo ku taal inta u dhaxaysa Mandera iyo Lafey.

Wararka aynu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya inay jiraan askar dhimatay kaidb weerarkaas. Maleeshiyada weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale la sheegay inay burburiyeen anteenadii shirkadda Safaricom.

Ururka Al-Shabab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarrada ka dhaca degaannadaas Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka xalay dhacay ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay nin ka mid ah dadka degaanka, waxaana waraysigii u dhacay sidan.